Jump to ratings and reviews
Rate this book

Dhabannahays: Xusuusqorka dhurwaagii dhiman waayay

Rate this book
"Inta maanku gaajaysan yahay, guuli waa weliye" - Gudgude Dhabannahays waa dhigane loo qoray in uu la hadlo garaadka iyo damiirka Soomaalida. Wuxuu si qotadheer u sharraxayaa qaybo ka mid ah cudurrada bulshada iyo xubnaha ugu badan ee ay saameeyaan, bukto la bixin waayayna ay ku noqdeen. Buuggu ma soo xiganayo ilo cilmiyeed toos ah marka laga reebo aayado Qur'aan ah oo uu ka hanuun qaadanayo, cutub kastana ibofur u ah, balse wuxuu ku qotomaa raacasho cilmi, dhugasho xaaladeed, iyo fahan uu qoraagu ka qaatay dhacdooyinka nololeed ee uu goobjoogga u ahaa ama uu taariikhda dhow ee Soomaalida ka ogaaday.
" Waa buug caqiibo leh. " -Axmed Ibraahim Cawaale, qoraaga Qaylodhaan Deegaan , Dirkii Sacmaallada , iyo buugaag kale.

290 pages, Paperback

Published September 23, 2020

21 people want to read

About the author

Maxammed Gaanni

6 books4 followers

Ratings & Reviews

What do you think?
Rate this book

Friends & Following

Create a free account to discover what your friends think of this book!

Community Reviews

5 stars
10 (62%)
4 stars
3 (18%)
3 stars
1 (6%)
2 stars
2 (12%)
1 star
0 (0%)
Displaying 1 - 5 of 5 reviews
Profile Image for Abdikani.
3 reviews3 followers
January 9, 2021
Dhabannahays dhigane akhristaha baraya dhinacyada kala duwan ee laga haysto ummadda 30 ka sano burburka iyo dawlad la,aantu aafaysay welina aan garan halka saxda ah ee baruurtu ka qurunsantahay,qoraagu wuxuu buugga udhigay qaab qodobbo ah oo uu cinwaan uga dhigay ururada ay bulshadu ka koobantahy wuxuuna mid walba oo qodobadaas kamid kaga hadlayaa kaalinta uu qof kasta ama urur kastaa bulshada kaga jiro iyo shaqada saxda ah ee laga rabo in uu qabto/qabtaan si loo saxo wax walboo naga khaldamay mudadii dalku burburka ku jirey ,casharna aan uga baranno horayna uga soconno.
Profile Image for Yuusuf.
18 reviews1 follower
January 22, 2022
"Intiinna uu warkayagy soo gaaro,soo dhabannahays idiin kuuguma filna in aad aragtaan labo isu daran oo sidii gacalkii isugu warameysa,wixii kala gaaray in ay ka heshiiyaan aan doonayn.

Kaa yaabay,igana yaabisay.
Tagay,imana raaci doontid.
Warkii dhammaa.
Nabad kuguma ogi, adna wanaag iima fili doontid.
Imminka dhegahaagu waa iga fasax,dhiganaha aad iga qortayna waxaa ku dhan in yar oo kamid ah sirtayda iyo waxa uun talooyin ah oo aan uga gol lahaa in aan ku yoolbaaro shaxda aad dhigan doontid.Xilkaygu waa in aan noolaado, dhibaatadana aan ka taliyo,adigana waxaa kuu eg in aad noloshaada u halgantid,dhimashadaydana aad ka shaqaysid. War iyo dhammaantii waxaan ku leeyahay :

Dawladdaan dhistay
Dhicis mayso oo
Waa wada dhurwaa
Dhuug iyo dhidaar

Dhabtu waa mid uun
Waxa dhumiyay waa
Dhuuni raaciddii
Wacyigoo dhimman
Garaad aan dhammayn

Marka ay dhashaan
Baan dhimanayaa
Ooy dheef heli. "

Dhammaad.
Profile Image for Osman Warsame .
3 reviews2 followers
February 23, 2021
Dhiganne tooshka kuugu qabanaya waaqica nololeed, siyaasadeed, wacyi, bulsheed, caafimaad iyo mid dhaqaalaba ee dalka Soomaaliya.
Dhibaatooyin xal u baahan, mushkilado bulshada haysata, meesha salaadu iska qabsan la'dahay ayuu qoraagu ku gaynayaa asagoo gacanta ku haya. Waa dhigane aad u diyaarsan, waan ka helay inaan Mar labaad akhriyana waan jeclahay. 🙌
9 reviews2 followers
October 31, 2022
Dhabannahys dhurwaagii dhiman waayay...waa buug kahadlayo dhibaatoyin bulshada heysata waqtigaan aan joogno wuxuuna si qota dheer ugu hadlay damiirka iyo qofnimada,wuuxusa diirada saaray dadka sida qaaska ah looga bahanyahy in ay xilka iska saaran wadanka hormarkiisa, hadii aad aqriso waxaad fahmi doontaa wadankaaga hagaagiisa mesha aad kataagan tahy, hadaba waa kutalinaa in la,aqriyo buugan .
This entire review has been hidden because of spoilers.
Profile Image for Haashim Dhurre.
12 reviews1 follower
May 2, 2021
Waa buug cajiib ah oo kahadlaya dhibka soomaalida haysta oo eysan ku baraarug saneyn.
Qoraaga maxamed gaanni wuxuu aad ugu soo Bandhigay arin cajiib ah oo uusan qofkasta arag ilaa qof u fiirsada mooyee arintaas.
Wuu mahad sayahay qoraaga buuga.
Displaying 1 - 5 of 5 reviews

Can't find what you're looking for?

Get help and learn more about the design.